Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay safiirrada dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ee saldhiggoodu yahay magaalada Muqdisho iyo wakiilladaha hey’adaha caalamiga ah oo maanta magaalada soo gaaray.
Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay dadaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka ka yahay ee lagu dhisaayo Galmudug loo dhan yahay oo qeyb ka qaadata horumarinta dalka iyo ka guul gaaridda himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.
Mas’uuliyiinta kulanka ka qayb galay ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku bogaadiyay dadaalladiisa dhismaha hey’adaha Galmudug, qarameynta ciidamada deegaanka iyo isu diyaarinta xoreynta deegaanada alshabab uga sugan tahay Galmudug.
Mas’uuliyiinta beesha caalamaka ee Ra’iisul Wasaaraha kulanka la qaatay waxaa kamid ahaa wakiillada Qarmada Midoobay, midawga Afrika iyo IGAD, iyo safiirada Midawga Yurub, Qatar, Turky, Ethiopia, Talyaaniga, Norway iyo Kenya.