Amniga Magalada Kismaanyo oo aad Loo Adkeeyey

0
60

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamul goboleedka Jubbaland ayaa Maanta la wareegay guud ahaan Amniga Magalada Kismaayo halkaas oo dhawaan la filayo inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland.

Magalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda diyaar garoow loogu jiro doorashada Madaxweynaha Jubbaland,waxaana hay’adaha Amniga Maamulkaas ay sheegeen inay Amniga siweyn u xojin doonaan.

Maanta ayaa waxa Amniga Magalada Kismaayo lagu wareejiyay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Jubbaland, waxaana Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in Amniga Kismaayo aan gorgortan laga galeyn, isla markaana la xaqiijin doono.

Taliyeyaasha Ciidamada Booliska degmada Kismaayo oo la hadlayay Ciidamada Amniga lagu wareejiyay ayaa kula dardaarmay inay amniga adkeeyaan,sidoo kalena ay ka hortagaan dadka doonaya qalqal gelinta dhinaca Amniga.