
Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa Maanta kulan ku yeeshay Xubnaha Guddiga qaban qaabada shir-weynaha dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmuudg iyo Odayaasha & Waxgaradka Magaaladaas.
Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlayay sidii Odayaasha Cadaado uga qeyb geli lahaayeen Shirka dib u heshisiinta Galmudug ee gogoshiisu taallo Magalada Dhuusamareeb iyo dhismaha Galmudug loo dhan yahay.
In kastoo Saxaafadda ay kulankaasi dibad-joog ka aheyd ayaa waxaa Wararka la helayo ay sheegayaan in Odayaasha Cadaado ay Guddiga u sheegeen in marnaba aysan diyaar u aheyn inay ka qeyb galaan Shirka dib u heshiisiinta ee Magalada Dhuusamareeb.
Sababaha ay ku diideen ka qeyb galka shirka Odayaasha Cadaado ayaa waxa lagu sheegay inay guddiga u gudbiyeen in shirkaasi ay doonayaan in lagu qabto Magalada Cadaado,isla markaana ay tahay Xarunta Baarlamaanka Galmudug.