
Wararka aynu ka heleyno magalada Doxa ee dalka Qadar ayaa sheegaya in xaalada caafimaad ee gudoomiyaha gobolka banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ay maalinba maalinka ka dambeysa ka sii reyneyso sidii hore.
Agaasimaha Xiriirka Dadweynaha ee Maamulka Gobolka Banaadir Yuusuf Cumar oo ku sugan Isbitaalka ayaa sheegay in xilligaan xaalada Caafimaad ee duqa Muqdisho ay tahay mid soo hagaageysa, waxaana Shacabka Soomaaliyeed uu ka dalbaday inay u soo duceeyaan.
Mas’uuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa lagu daweynayaa Isbitaal ku yaalla dalka Qatar, kuwaas oo ku dhaawacmay qarixii ka dhex dhacay Xarunta Gobolka Banaadir 24-kii Bishaan oo ku began Arbacadii la soo dhaafay.