
Maanta oo Jimco ayaa si rasmi ah waxaa Dowladda Soomaaliya loogu wareejiyay mas’uuliyadda Amniga Guud ee Magalada Dhuusa-Mareeb.
Goobta wareejinta oo aheyd Xarunta ay Dhuusa-Mareeb ka degan yihiin Xubnaha Guddiga dib u heshiisiinta ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, taliyeyaasha ciidamada iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo mas’uuliyiin kale.
Sheekh Shaakir oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in guud ahaan mas’uuliyadda Amniga Dhuusa-Mareeb ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya looga baahan yahay in ay qaado.
Waxaa uu intaa ku daray in dhamaan ciidamada kala duwan ee ku sugan gudaha magaalada Dhuusa-Mareeb loo saari doonaa bannaanka magaalada, islamarkaana Amniga Gudaha ay la wareegi doonaan ciidamo gaar ah oo dowlada DFS u diyaarisay.