
Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay ka Shaqeeynayaan qorshaha Maqaamka Muqdisho iyo Maamul loo sameynayo gobolkan Banaadir,si uu sheegay ay uga baxaan dhibaatooyinka kala duwan ee ka jira.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka in dadka Muqdisho ay yihiin kuwa dhiban oo dowladda hadda jirta ay wadooyinka ka xiratay,sidoo kalena weli Magalada ay qaraxyada ka dhacayaan oo ay ku dhimanayaan kuna dhaawacmayaan mas’uuliyiin iyo dad Shacab ah.