
Ciidanka Danab ee Xoogga Dalka ayaa lagu wareejiyay Amniga Garoonka Diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb.
Ciidankaan lagu wareejiyay ayaa ah Ciidankii Danab ee ku sugnaa Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado, waxaana la sheegay in Ciidanka ay maamuli doonaan Ammaanka Garoonka.
Waxaa Kormeer ugu tagay Ra’iisul Wasaaraha xukuumalkada federaalka Xasan Cali Khayre, oo beryahan ku sugnaa magalada dhuusamareeb isagoo kula dar-daarmay Adkeynta Amniga Goroonkaasi.
Ciidankii Ururka Ahlusunna ayaa laga wareejiyay Ammaanka garoonka, waxaana la sheegay in lagu daray Ciidamada Booliska, Milatariga iyo Nabad suggida Soomaaliya.