Reysulwasaare Kheyre oo Maanta Magalada Muqdisho Dib ugu soo Laabtay

0
58

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta dib ugu soo laabtay magalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa muddo ka badan 40 maalin ku sugnaa deegaannada Galmudug, halkaa oo uu u tagey xal u helida khilaafka hoggaanka maamulka iyo diyaarinta doorashada Galmudug.

Wafdiga socdaalka ku weheliyay ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay guul mira-dhal ah in laga gaaray socdaalka, dhowaana la guda-gali doono shirka dib u heshiisiinta Galmudug iyo qaban qaabada doorashada maamulka.

Sidoo kale, markii uu Muqdisho ku soo laabtay ra’iisul wasaare Khayre wuxuu warbixin ka dhageystay guddiga qaban qaabada aaska qaran ee guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho, guddiga ayaa u xaqiijiyay ra’iisul wasaaraha inuu dib ugu dhacay Axadda berri ah aaska, kaddib dib u dhac ku yimid diyaaraddii magaalada Doxa ka soo qaadi laheyd meydka.