
Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgala Koonfur galbeed ayaa sheegaya in la wareegeen deegaanno ay horay ugu sugnaayeen xoogagga Ururka Al-shabaab oo hoostaga degmada Baydhabo
Saraakiishan ayaa sheegay in ciidamadu ay gaareen Tuulooyinka Goof-Gaduud Buureey, Awdiinle, Buulo Jebi iyo tuulooyin kale oo ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab.
Saraakiisha oo la hadlay bulshada deegaannadii ay la wareegeen ayaa ugu baaqay in ay ciidamada la shaqeeyaan, islamarkaana ay ka hortagaan dhibaatooyin uu sheegay inay iyaga ku hayaan.
Howlgalkaan laga sameeyay tuulooyin hoostaga magaalada Baydhabo ayaa ku soo aadaya xilli laba casha ka hor ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa taabacsan Wadaadka Muqtaar Roobow oo u xiran dowladda howlgal ay ka sameeyeen tuulooyin hoostaga degmada Xudur ay kula wareegeen deegaano ay gacanta ku hayeen Ururka Al-Shabaab.