Reysulwasaare Kheyre oo Maanta Booqday Ciidamo Tababar Loogu Soo Gabagabeeyey Xerada Gen Gorden

0
88

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa booqasho dhiirri gelin iyo dardaaran ah ugu tegay ciidamo tababar loogu soo xiray xerada Gen. Goordan, ciidamadaasi oo loo diyaariyey howgal Al-Shabaab looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolada dalka.

Ciidamadan loo soo gebegebeeyay tababar ayaa qayb ka noqonaya ciidamo horay sidaan oo kale loo tababaray, isla markaana la wareegay deegaano ay maamulayeen Al-Shabaab.

Reysulwasaare Khayre ayaa ballan qaaday in xaquuda ay ciidanku leeyihiin loo dhammaystirayo, waxana uuna kula dardaarmay in howlgallada Al-Shabaab lagula dagaalayo ee hadda loo diyaariyay ay si joogta ah u wadaan inta dalka oo dhan laga saarayo.

Xerada Gen. Gordan ee lagu tababay ciidamadan waxaa hogay uga qalin jebiyay dufcado ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ka qayb qaatay howl gallo Shabaab looga xoreeyay magaalooyin ay uga sugnaayeen dalka.