Midowga Musharixiinta Jubaland oo Sharuudo Cusub Ku Xiray Ka Qeyb Galka Doorashada

0
48

Kulan ay magalaada kismaanto maanta ku yeesheen Musharixiinta la Magaca baxay Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland iyo Wafdigii Urur Goboleedka IGAD ayaa musharixiinta waxaa ay shuruudo adag ku xireen ka qeyb galka doorashada Jubbaland.

Shuruudaha oo ka kooban Sideed qodob ayaa Midowga Musharixiinta waxaa ay hor-dhigeen Wafdiga ka socda Urur Goboleedka IGAD, iyaga oo dalbaday in loo gudbiyo UNSOM, AU,Arab league,EU iyo dowladaha daneeyo Soomaaliya.

Sharuudahaas oo Kala ah.

1: In Xildhibaannada ay soo xulaan Odayaasha Saxda ah ee Jubbaland.

2: In hal qof loo soo xulo kursi Xildhibaan

3: In doorashada Madaxweynaha Baarlamaanka Jubaland ay qabtaan.

4: In doorashada ay ka dhacdo goob ka madax bannaan Xarumaha Maamulka Jubbaland sida xarunta QM.

5: In Ammaanka goobta doorashada iyo amaanka musharixiinta ay sugaan Ciidamada AMISOM.

6: In doorashada Jubbaland ay goobjoog ka noqdaan Xubno ka socda Dowlada Federaalka

7: In in Goob joogayaal Caalami ah la helo sida Xubno ka socda Beesha Caalamka.

8: In Warbaahinta gudaha iyo tan dibadda ay goobjoog ka ahaadaan doorashada.