Maadaama sabaalada xaqsoorka iyo wacdigu sinnaba u solahayn oo qofba saamiguu helay laga sagsaagayo lana raadinayo sumini dheeri iyo saa’id kala raaca xaajadu ay taagan tahay annagaa saraynta leh oo taydi ii gooni taadina kulalihi ku seetaysan sadbursiimo iyo siyaado siiya reer hebel dhegaha loo sallaxayo qabiil seejo lagu dooran, si sartu meesha ay ka qurunsanatahay ubucda, ama bu’da aynu u taabano dhibaatooyinka 70-ka sanadood haysta ummadda webiyada degta iskana leh Jamhuuriyadda barakaysan ee Maayland lagu dhibaataynayo magaca calanka buluugga qaranimada Soomaaliya inta shaatiga dowlladnimada loo soo xidho gashto lagu ciribtirayo isirkooda laguna ixtilaalayo gabi ahaanba dhulkooda ay iska leeyihiin burwaaqada ah idilkood la daaduumay gaajada iyo musiibooyinka gacankusamayska ah ma’aamarado waawayn makriyo culus into loo soo maleegay rifanka iyo lisanka lagu riday, deetana cayda iyo aflagaaddooyinka loo joogteeyay, si miskexda looga dilo ay u aqbilaan inay yihiin dad liita ayagoon ahayn sida laga doonayo inay ka ahaadaan dalka, cagsiguse ayba yihiin dadyowga ugu kartida iyo sharafta badan noolaha sanku-neeflaha ka nuuxsada geeska Afrika, ayaynu ku qaadaa dhigi doonaa qormadan aad ka heli doontaan xaqiiqta jirta iyo maanta ooy warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaad loo yaqaan Southern Media Co-Operation dadaallo dheeri ah ku bixisay sidii ay idin kaga xaqabtiri lahayd baahiyihiina wareed ku qotoma halka ay salaadduba iska qaban la’dahay dawada durugtay ee dalkan dulligu saaqay kolkii ruumbo iyo naxdin lagu rusheeyay bulshadii ugu nadiifsanayd gayiga udub-dhexaadkana u ahayd wax soo saarka waddanka.
Ingiriisiga oo lagu tiriyo luuqad ahaan inuu ka mid yahay afafka ugu hodansan caalamkan maanta, ayaa wuxuu ku maah maahaa “protaction is better than cure,” kahortagga ayaa ka wanaagsan dawaynta, oo cudurka ku haya kolkaad ogaatid ayay dawaduna sahlanaan karaysaa dulucdu furfurashada warbixinteenu tahay “markaad geel dhaqatid baa gaawaha loo soo cushaa,” haddaadse gacmaha waxba aanay kuugu jirin maxaad dhaqataa, sow ma aha “maxayse ka nuugtaa, maxayse ku nuugtaa,” sawirkaba haddii aad waydid iyo calankaagiyo saaran.
Annago ku bilaabayna halka ay ka bannaaxinnayso gobolka Shabeellaha-Hoose oo ah midka ugu barwaaqada badan gobollada dalka oo idil uguna shacbiga badan, waxaa gobolkani kaliya dul daggan 2 guuto ciidan milatari ah oo middiiba ka kooban min 3 urur, gutooyinkaaso ay hoos yimaadaan taliska qaybta 60-maad fadhigiisu yahay haatan magaalada Baydhabo gobolka Baay Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland ee uu imikadan taliye ka yahay Janaraal Timacadde oo u dhashay Maayland, balse maqaarsaar ah waxba aan ku turnayn lagu adeegto ooy ku shaqaystaan qoliyaha maxagi dhulboobka ah habeen iyo maalinba la dirirsan dadyowga sinjigoodu yahay Maayow Maayga daggan mandiqaddan geeska Afrika, gaar ahaan dhulka webiyada ku go’an.
Taliska qaybta 60-maad awal waxaa uu ka koobnaa Baay, Gedo iyo Bakool, balse Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kolkii uu kursigu qabsaday salku dhigtay Villa Somalia ayaa laga soo jaray taliska gobolka Gedo, waxaana lagu soo daray gobolka Shabeellaha-Hoose oo uu haatan ka kooban yahay taliskaasi Bakool, Baay iyo Shabeellaha-Hoose, iyada oo isla waqtigii uu Farmaajo xukunku qabtay janankii haystay taliska 60-maad Ciidamada Xoogga Dalka (C.X.G.D) Janaraal Ibraahin Yarow oo lagu tabo karti iyo aqoondurugsani (insiyaanitaa) dhanka milatariga qaddiyad Maaynimana ku jirto aawadeed buul looga dhigay oo loo baddalay, si loogu tunto dadywoga deegaanadan duullaanka lagu yahay sifo loo qabsado ayna dhamaantooda u ahaadaan dawarsadayaal loo talsho (Third citizens) muwaaddiniinta saddexaad gayigooga gudihii.
Si aynu u fahamno sida loo kala dhilay saraakiisha milatariga asalkoodu yahay Maayga sabab ciidaanka asalka webiyadana loogu shaqaystay isla dadkoodu loogu dilo, waxaynu u baahanahy inaan ogaano labada guuto ee dul daggan iyo taliye-ururadooda gobolka Shabeellaha-Hoose marka hore inaan kala barano saraakiisha kala haysata.
Gobolka Shabellaha-Hoose waxaa kala daggan laba guuto oo la kala yiraahdo guutada 3-aad iyo guutada 7-aad oo talis ahaan hoos imanaya qaybta 60-maad, waxaana guutada 7-aad haysta nin lagu magacaabo Xasan Jaamici darajada garbaha loo suray ay tahay gaashaanle sare kornayl buuxa u dhashay beesha Galmudug, waxayna guutadiiso reerihiisa mooryaan tuutaha dowlladda loo soo gelshay u badan ay dhasha dhigatay inta u dhaxaysa min Afgooye ilaa degmada Wanlawayn.
Guutadan 7-aad Xasan Jaamici uu haysto dhaca iyo kusfiga iyo boobka cariga laga maraajoogi waayay qabiilka ah wadata shaatiga dowllada, waxaa abaanduule ka ah calaashaan taliye kuxigeen, sarkaal lagu magacaabo Mudane Daawlle oo darajadiisu tahay gaashaanle dhexe kornayl u dhashay Maayland, balse buul ah aan laga amarqaadan kaareeto deegaanka u dhalatay socotaa, xitaa aanu gudbin karin, daayo, kufsi iyo isbaaro inuu joojiyo isagu.
Guutadan 7-aad sido kale waxaa ay ka kooban tahay saddex urur oo kala ah urur 1-aad, urur 2-aad iyo urur 3-aad, waxaa urur 1-aad taliye ka ah nin lagu magacaabo Foofoo oo u dhashay beesha madaxwaynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud (Xasan Safarow), wuxuuna ururkani daggan yahay uunku ku dhibaateeyaa halka loo yaqaan Garasbandiire oo ah xanaanadii hore ee xoolaha Warmaxan ilaa Taxsiile oo isbaarooyinkiisu ay shan shan KM isu jiraan, iyado ururka 2-aad uu haysto qof lagu magaacbo Liibaan madaxwayne u dhashay beesha Galmudug, ururkiisaaso ummadda nafta ugu keenay degmada wayn ee caanka ah Afgooye, halka ururka 3-aad isna uu wato ninka lagu magaacbo Cabdalle Cali Mire oo u dhashay isla beesha Galmudug, ururkaaso isna xaaxda shacbiga kaga siiyay aagga Wasmaxun oo u dhow garoonka wayn ee dayuuradaha Bilidoogle.
Juquraafi ahaan guutadaasi meesha ay fadhido iyo hoggaanka cidda u haysaa haddaad fahamtay, waxaynu eegi doonaa haddana guutada 3-aad cidda wadata iyo dhul ahaan ballaca ay isku dherariday, si aynu u ogaano waxani inay yihiin wax laga soo shaqeeyay qalin iyo buug loo soo qaatay iyo in kale, taaso loo baahan yahay inaad iswaydiiso, tolow ma wixii miirqab iyo miisaan meel loo dhigay baa muran ka yimaadaa haa iyo maya.
Guutada 3-aad waxaa taliye ka ah nin loogu yeero Janaraal Laba Afle oo u dhshay beesha Galmudug, gaar ahaan degmada Cadaado, abaanduulaha guutidiisu waa isla nin u dhashay beeshiisa Galmudug, saddexda urur guutadaasi ay ka kooban tahay waxaa saddexduba taliye-urur ka ah 3 nin oo isla beeshiisa Galmudug ay ka soo wada jeedaan, guutadaasi oo iyana neefta ku celisay laga soo bilaabo min Baraawe oo caasimadda maamulka Koonfureed lagu sheegay, Buulo, Laantabuur, Shalanbood ilaa iyo jiidda Afgooye muwaaddiniinta daggan.
Xasan Jaamici waa kuma sideebaanay guutooyinkan magaca dowlladda wata dhamaantoodna hooggaan looga dhigay dad aan deegaanka u dhallan dhaqaalle uga sameeyaan gobolkan iyo dadkiisu dunida ku cadaaban?
Xasan Jaamici taliyaha guutada 7-aad sinnaba ugama amar qaato taliska iyo taliyaha qaybta 60-maad Maayga ah ee fadhiya magaalada Baydhabo Janaraal Timacadde, Jaamici waxaa uu canshuur waalan uu ka qaataa gabi ahaan shirkadaha ka hawlgala gagidda diyaaradaha Bilidoogle, sida kambaniyada (RRA Company iyo Docol company) oo ah kambaniyada ugu waawayn uguna horeeyay Bilidoogle daga, waxaana bishii uu ka qaataa 5 kun ilaa 6 kuno Doollar, iyado shirkadaha sida ay u kala waynyihiin lacagta canshuurta ah looga kala qaado.
Waxaa sido kale Xasan Jaamici iyo ciidankiisu leejooyin ka qaataan gawaarida Muqdisho ka imanaysa u socota gobollada Baay ilaa wixii ka shisheeya xuduudda Itoobiya, iyado tusaale halkii baabuur Ino-Tre ah ay kaa qaataan 4 ilaa 5 milyan oo shilin Soomaali ah, gaadiidka oo ay ka soo kaxeeyaan ooy kaliya geeyaan sokada Yaaqbariwayne, maxaa yeelay Yaaqbariwayne oo kol aan dheerayn Shabaab laga saaray, haddana kama dheero cimil, ama kamiinbay ku samaynayaan oo waa la soo weerarayaa kuwa wata tuutaha dowlladdu.
Kolka baaburta lacagta laga wada qaado kololnyo noqodaan mootooyin intay laba labo BKM-yo ula fuulaan ayay sidaasi ku gudbiyaanooy geeyaan sokada Yaaqbariwayne ooy kaga soo haraan, waxaana lacagtaasi waalan isbaarooyinka, guryahay iyo beeraha la canshuuray noolaha ay si toos ah gacantiisu ugu dhacdaa Xasan Jaamici taliyaha guutada 7-aad oo ah wiilka reer Galmududg.
Waxaa xusid mudan in Xasan Jaamici uu kaligii haysto 80 BKM iyo 11 Dhashiike oo Cabdibilayaal u saaran yihiin, waxaana hubkaasi uu haysto iyo kuwa kalo ka badan shacbigan dhulka iska leh lagu gumaadayo uu ka sameeyay isbaarooyinka deegaanka iyo muqaaddaraadka xashiishka uu beero Janaale iyo aaggaasi ku yaal uu ku beerayo ka ganacsaday, iyada oo dhanka kale qandaraasyada iyo shirkadaha meel waliba ordaya ay iska leeyihiin dadka isla beeshiisa reer Galmudugga ah.
Geesta kale, saldhigga bilayska degmada Afgooye waxaa maanta taliye ka ah nin lagu magacaabo Nuur Xayir oo u dhashay Beesha Galmudug, gaar ahaan jufada Caaydiidkii geeriyooday daallimkii dulmiga wayna Soomaaliyaba qaska gelshay iyo fowdada, isagoo mooryaantii huwanta Salballaar watana gobollada Maayga ku soo duullay sanaddii 1996-kii dadka deegaanka bukaaraha iyo muddullada guryaha ku gubayay ooy aakhirkii RRA ay 4 sanadood kadib dagaal waxba la iskula harin kaga soo baxaabaxaysay gobollada webiyada, qabqablahaasi sida xun u qurbaxay oo ay magac ahaanna dadyowga Maaygu u yaqaanaan Aw Naardiir.
Nuur Xayir kaliya ma haysto saldhigga bilayska Afgooye ee isagu aanu u dhallan, labadaraale, waxaa isaga iyo Liibaan madaxwaynaha isna degmada xaaraan ku haysta ay canshuurtaan wax alaaliyo wixii nuuxsada dad iyo duunyaba, tusaale neefka geela ka imanaya gobollada sida Bakool iyo Baay waxaa calaa neef ay ka qaataan 1 doollar oo ay koontadoodu si toosa ugu dhacayso kana samaysanayaan waxay doonayaan.
Intaasi waxaa ka sii daran, degmada Afgooye Mukayga hoostiisi ilaa waddada aadda deegaanka Basra midig laamiga qarkii waxaa ay ku soo daabuleen qoysas laga soo raray Mudug iyo Galguduud siday u soo guurayeen aanay xamar ku soo nasan ay wataan baquuladooda iyo, fargeetooyinkooda iyo, daasadahooda iyo, joodariyaashooda iyo, jirgaanadooda iyo, baafafkooda dhardhaqaalka iyo, farowyadooda iyo fandhaalladood fiiqfiiqan si toosa loo dajiyay eeriyadaasi oo hubkoodana wata aan loo dhowaan karin, kadib markii futada xabadda laga gelshay dadkii waligood kaneecada la saaxiibka ahaa.
Joogadeena maanta adigo Maay ah dhulka u dhashay Mukaygaad ogayd hoostii ilaa waddada midig Basra tagta maba tagi kadhid, oo haddaad iskudaydo inaad tiraahdid waa dhulkeena, waaba lagu dilayaa, waxaana lagugu oranayaa “xoog ma leedahay saaxiib.”
Dhulkan iyo dadkiisi si loo qabsado saraakiisha Maayga sida loo dhilay haddaynu wali wax badan ka barano, ururka Bariire, Caanood iyo Sabiid jooga, waxaa haysan jiray oo taliye ka ahaa Kornayl Xasan Shaalle oo Maay ah aad u dhiig badan nidaamka iyo sharciga seerjitada ilaalinaya xad-gudub aanu marnaba ogolayn asal ahaanna taliye horin ka ahaan jiray guutadii 5-aad ee dagganayd aagga Awdheegle, Mubaarag iyo Janaale isago kabtan ah, horaana xukumayay urur joogay xerada ciidanka General Gordon lana soo shaqeeyay ciidankii Imaaraadka ka dhisnaa caasimadda Muqdisho, waxaana booskiisa lagu baddalay nin lagu magacaabo Cabdi Cali Raage oo u dhashay beesha Galmudug, iyado kornayl Xasan Shaalle si fadhiid looga dhigo loo dhiibay urur busaaraddu la dagtay boorku ka kacayo qaar beeshin ay yihiin waxba aan qaban fadhiya Isbitalka Xoogga Milatariga magaalada Muqdisho oo ku yaal halka loo yaqaan fagaaraha Terebuunka u dhexeeya NO-4 iyo Warshaddii Caanaha, askartaaso qayb ayaka ka mid ah subuxii firinbi into loo qaato biiti la orodsiiyo qura (biib, biib, biib).
Mar kale waxaa xusid mudan in ninka qabyaalad daraaddeed Kornayl Xasan Shaalle jagada looga qaaday ee la yiraahdo Cabdi Cali Raagaha beesha Galmudug ah, gaar ahaan Cadaado ka soo jeeda ahaana abaanduulihii uuruka 4-aad Xera Nac-Nac, uu hadda kahor dhacay hubkii Istoorka qaranka Jamhuuriyadda Federaaka Soomaaliyeed yiil, isago ku tagay 20 qoryaha nuuca AK-47-ka loo yaqaan, 6 BKM, 5 Dhashiike iyo sanaadiiq rasaaso isugu jidha yaryar iyo waawaynba, arrintaasi oo uu kala shaqeeyay taliyaha ciidanka lugta Xoogga Dalka Janaraal Odawaa oo imikadan haya qaybta efentariga milatariga Soomaaliya, kaaso u dhashay beel ahaan beesha madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud (Xasan Safarow), waana taa, halka ay marayso caddaaladda Soomaaliya in saraakiishii daacadda ahayd Maaynimo darteed loo bursanayo, iyago dalkoodu daacad ugu shaqaynaya xilka laga xayuubiyay bilaa sabab, misna, kaa qaranka khayaanooyinka qaran ka galayo lagu abaalmarinayo xilalka sarsare, oo waliba shacbiga wax soo saarka leh gobolkoodu daggan yihiin aanay meel kale aadin lagu dhibaataynayo.
Fari kama qodna faanoole sida habaysan ee loo siisiibay saraakiisha Maayga ku jira dowlladda dhexe, bal kaalayo arag, ururka jooga aagga Sabiid iyo Caanoole gobolkan Shabeellaha-Hoose yaydu isugu tagtay runtiina yac in laga yiraahdaa u baahan, dadqalatadan dhiigga bini-aadamka sida faantada la cabbayo u dhammaysa, waxaa taliye ka ahaa sarkaal Maay ah, gaar ahaan ka soojeeda degmada Marka Caddeey, xilka waa laga xayuubiyay, waxaana loo dhiibay wiil reer Galmudug ah ee uu adeer u yahay Janaraal Cirfiid oo haysta guutada 30-aad Ciidanka Xoogga Dalka Federaalka Soomaaliya.
Haddaba intaano dhibaata ah guud ahaan waxaad garatay inay ka socdaan Villa Somalia, gaar ahaan ubucda musiibada saraakiisha iyo ciidanka Maayga barta ay ka haysato, waa xafiiska taliska ciidanka xoogga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo taliskaasi madax ka yahay Janaraal Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) oo beel ahaan u dhashay jufada Fahad Yaasiinka aad wada ogsoon tihiin musiibada dalkuba inuu hooyo iyo aabbe u yahay qaraxyada taaka taakada ah sirdoonka Soomaalia haysta, dowlladda qadar ku xiran, ahaanna jiray amniyaadkii madax jabinta Alshabaab.
Midda kala rogtay saraakiisha Maayga dhuudhigiyo, dhargalkiyo, dhiqlaha u soo waaridday dhogorgaddiday qoomkan xiliga kan raggii dhiifoonaa dhufaanada ka dhigtay, waa naag la yiraahdo Iimaan Elman oo beesheedu tahay Galmudug, gaar ahaan reer Bootaan Ciise Caalin (Xaaraan Ku Naax), ama shirkadda Albarakaat dheh, hooyadeedna ay tahay reer Dhuusamareeb, taaso fadhida xafiiska taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Federaalka Soomaaliya.
Iimaan Elman oo afka Soomaaliga dhiba, aan buurnayn, madowo iscaddaysa, qamriga istaagga ku qurqurisa, markii koobaadna Janaraal Dhegabadankii qaraxa lagu dilay waqooyiga Ameerika ka keenay gaandharinimo ka bilowday, walaasheed tahay, naagaha dharka qaawanida faashiyonka ku xayeesiiya gudaha Mareykanka, hooyadeedna u shaqaysa hay-adaha xuquuqil-Insaanka (Human Rights) dalka Soomaaliya kula qaraabata dalka u soo shaqatagtay, waxaa ay leedahay tiim, ama koox saraakiil ayada ku beel ah, waxaa ay warqad dacwad been ah ka diyaarisaa sarkaal kasta oo Maay ah si meesha ay uga saadho mid beesheeda ahna ay ugu baddasho, bacdama ay xafiiska taliska Xoogga Dalka ay fadhido, waxaa ay warqad u qortaa taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Janaraal Indhaqarshe, oo mararka qaar yara miskiin ah, isaguna qalinkuu ku jiidaa sarkaalka Maayga la buusayo, cagsigana qalinkuu ku duugaa ka kale ee Beesha gabadhu ay wadato inuu xilku ku boodo ee uu qabto, xitaa haddaanu u qalmin aqoonteedu aanu lahayn.
Haddii Iimaan Elman warqad ay u qorto taliyaha xoogga Mudane Indhaqarshe sarkaal ay doonayso inay la dagto uu ka yara biyadiidi maago, waxaa ay isugu yeeraysaa gabadhani baandadeeda saraakiisha ay leedahay, waana ay wada buushgaraynayaan taliyaha iyo sarkaalka Maayga ah ee la bursanayo, aakhirkana waa la taagtaagayaa sarkaalkaasi, iyado gabadhaasi ay saraakiisho dhan boqolkiiba 95 baaddo, ama baad ay ka qaadato, iyado ugu hanjabaysa inay xilka ka xayuubin doonto kuna furayso qalqalgelin baahsan.
Iimaan Elman saraakiishu badi way iska laaluushaan, kolkii ay inay baaddo doonayso tilifoon xitaa kulama hadasho saraakiishu si aan codkeeda loo duubin, oo lugteeday ugu tagtaa qolna way la gashaa saraakiishu mid mid, waana taa sifadeeda iyo rafaadka ugu daran musiibada halka ay kala soo daristay saraakiisha Maayga u dhashay ee ku jira dowlladda Fedeaalka Soomaaliya oo idilkood intii dhiigga lahayd buulka laga dhigay xilalka laga xayuubiyay joogadeenan maanta mid nuuxsan karaa aanu jirin loona soo dabamaray xukunka gobolladooda kuwo dool ah aan u naxayn ciidamada loo dhiibay.
Sida runta ah maaygu maanta waa ciidan aan saraakiil lahayn, Janaraal sheegow oo aad taqaanaan, oo ka soo bilaabay hoggaaminta ururka Isbitalka Xoogga si toos ah u hoos taga taliyaha Xoogga, waa la buusay jananku, waxaa isugu tagay Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Janaraal Caanood oo ku beel ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Janaraal Bac-Bacle oo isagu u dhashay Galmudug, qaasatan degmada Cadaado, ahaana taliyaha Hoggaanka taakulaynta Ciidanka Xoogga Dalka xiligii Mudane Xasan Shiikh Maxamuud (Xasan Safarow) uu kursigu ku fadhiyay, waxaana Janaraal sheegow hadda kahor ay labadan janan, waa Caanood iyo Bac-Baclee, ku weerareen Isbitalka Milatariga Xoogga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya magaalada Muqdisho, inkastuu aad isaga daafacay makrigooda shirqoolkay u dhigeen mishin ay doonayeen inay ku khaarajiyaanooy kaga takhallusaan.
Sikastoy ahaataba, General Sheegow haatan waxaa uu ku nool yahay dalka Mareykanka, kadib markii uu caddaalad waayay iyo garab buuxa cid ka siisa xafiiska dhexe ee Villa Soomaalia, oo duul qabyaaladdu la dagtay ay fadhiniyaanoy fadlinayaan faraskuna ku joogaan, taaso nasiibdarro wayn u ah shacabwaynaha isirka Soomaalida maalin sheegta, gaar ahaan shacbiga tiro Soomaaliya ka dhigan 55 boqoliiba Soomaalida inteeda kale ku hadla Afka Maayga, leh oo daggan dhulka webiyada ku weegaaran dul iyo doxba baduhuna ay ku hareeraysan yihiin.
Ugudambayntii mid iyo labo haddaynu ka soo qaadano saraakiisha Maayga ugu khatarsan xililka laga xayuubiyay nuuxsigana loo diiday ee meel la fariisiyay, waxaa ka mid ah sida- Janaraal Ibraahin Yarow oo ahaa taliyihii qaybta 60-maad Baay fadhegeedu ahaa, oo qarnigan aynu joogno janan Maay ah ka dhiig iyo damqasho badan aanu jirin, iyo, 2-Janaraal Madoobe, Janaraal Xasan Baydhabo, Isaaq Mukhtaar, Janaraal Maxamed Shiikh Xaamud (Gitaariste) oo aqoondurugsan u leh arrimaha ciidanka haystay bilayska Soomaaliya xiligii madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud (Safarow) haybaddii ciidannimo bilayska Soomaaliyana siday tahay ugu soo celshay, yareeyayna qaraxyada, iyado amniga gacanta uu ku dhigay.
Kabtan Ciise Aadan Saleebaan oo isagu aabihii ka tirsan saraakiisha bilayska Soomaaliya kana mid ahaa halgamayaashii ururkii xaqudirirka RRA Jamhuuriyadda Baraykaysan Ee Maayland.
Mar saddexaad waxaa xusid mudan, in Kabtan Xasan Baydhabo isaga iyo aabbihii kolka gole la isugu yimaado ay ku kaftamaan aabbihii iyo isagu midba inta xabadood ay jirkiisu ku yaal yaal, bacdama Xasan Baydhabo jirkiisi meel u fayowba aanu jirin wada xabbaddu jar jartay ka dhex soof sooftay, oo wasaaradda gaashaandhigga gudaheed, xitaa wixii edebdaran indhaha uu ugu shito.
Waxaa Iimaan Elman iyo tiimkeedu ay ceega dheer ku taageen sarkaal ay calaamadaysteen si fiican ay u garanayaan inuu geesi karti leh uu yahay Maayga lagu magacaabo Kornayl Cali Xabbad oo xiligii dowlladdii Cabudllaahi Yuusuf Yeey ka mid ahaa saraakiishii 19-12.2006-dii maxaakiimtu jiidaha Daynuunay iyo Iidaale daandaansi dagaal ay ugu tageen Baay, 7 casho dagaal taariikhda galay jilbaha la isu aastay, dabadii jabkay soo jabeen, ka soo sifeeyay mooryaantii Buufow-Bacaadka iyo Shalambood iyo Janaale iyo Ceelasha-Biyaha iyo ilaa Siinka-Dheer iridda Muqdisho.
Kornayl Cali Xabbad oo dowlladdii kacaankii kaligii-taliska Afwayne garwadeenku ka ahaa kolkay dhacaysay ahaa gaashaanle sare kornayl buuxa, imikadan oo hal xiddig dib looga jaray gaashaanle dhexe ah, waxaa uu ku nool yahay, oo ka cun, oo ka cab, iska seexo la yiri, qaybta taliska 12-ka April oo ku yaal xeryihii Damaanyo ee uu lala dajiyay Indhacadde, iyo Laba-Afle iyo Liiban Madaxwayne oo sida xaqiiqda ah reerahooda dhulkaasi dowlladeed wali xoog ku haystaanoy buushash badana ay ka dhisteen, kuwaaso geesta kalana haysta gobolka Shabeellaha-Hoose gabi ahaantiiba, aadna u mishima ruux kastooy doonayaan una arkaan inuu caqabad ku yahay sii-haysashada dhulka Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland ee uu Allaha u naxariistee Janankii geesiga caqliga u saaxiibka ah miskexdiisu xorowday Dr Xasan Maxamed Nuur Shaatiguduud uu horay u sheegay, in reerahan duullaanka ah reer Galmudug ay, xitaa tabartu kolkay ka dhamaatay qalinkooda iyo lacagtoodu ku maamushaan doonayaan dhul dadow aysan ayago lahayn, oo daris iyo ood-wadaag toona ayan la ahayn, waxaana hadalka halyeygaasi sii kaabaya madaxwaynaha shirqoolka lagu qafaashay ee Jamhuuriyadda Mudane Mukhtaar Roobow oo khudbaddiisi murashaxnimada cod dheer ku sheegay in dhulka Maayga lagu soo duulay, jidadkuna ay u xirxiran yihiin qolyo qabiil ah wata tuutaha dowlladda iyo geesta kale cimaamaddana khawaariij loo yaqaan, isagoona sheegay in Maayland uu u baahan yahay qori iyo qalin iyo qorshe mid ah in lagu daafaco, iyado libaaxii dalkuna isna Allaha u naxariistee Ustaad Cusmaan calooshiiba loo tartariiqay qaddiyaddan aawadeed, uuna taagnaa “Soomaaliya waa labo, waana 2 xisbi oo qura siday ahaan jirtay, kuraasta dowliga, Maay iyo Maxa kali ah tiro siman waa in wax lagu qaybsadaa, nin walibana dhulkiisu uu isagu maamusho, ee la joojiyo waxaan la isku qasayo, ee la leeyahay, waxba lama kala laha, taaso sirta ku duugan ay tahay in Maayga uun dhulkiisi in lala wareego la doonayo.
Saraakiisha maqaarsaarka waxmatarayaasha ah Maayga u dhashay dadkani ay doonayaan Iiman Elman iyo Farmaajiyo reerahooda, oo haddii farta afka loo gelinayo aan nuuxsanayn, waxaa ka mid ah mid iyo labo sida- Janaraal Timacadde oo ah taliyaha haatan qaybta 60-maad fadhiya Baydhabo, Janaraal Bile oo fadhiya Villa Somalia, taliyaha ciidanka Badda federaalka Soomaaliya Janaraal Nuur Ufuroow, Janaraal kabtan Nuurkii haystay ciidamadii Imaaraadka Muqdisho Soomaaliya ee la burburiyay, burburintaaso aad uu uga shaqeeyay Janaraal Caanood oo ku beel ah kaligii-taliye Farmaajo, sababta loo burburiyayana ay tahay in cidamadaasi ay askartu Maaygu u badnaayeen, Janaraal Bishaar iyo Cali Shariif oo ah raggii Caaydiid Baydhabo ku hoggaamiyay.
Taariikh kooban haddaynu yara milicsano, Cali Shariif xiligii Shiikh Shariif Shiikh Axmed kursigu ku fadhiyay oo Muqdisho Shabaab uu haystay badankeed, xabbadduna ay ka dhacaysa afaafka madaxtooyada Wardhiigley, waa sarkaalkii aagga Boondhoore Dekaddii Duqda ahayd ku go’doomay ay ciidamada qaranka Maayga u badnaa u gurmadeenoy 2 xidig dallacaad degdeg ah la siiyay, oo aadna ugu daba dhuqdhuqleeya qolyahan dhulboobka Mudug iyo Galguduud ka yimid joogadeenan maantana dhaca kufsiga iyo boobka dhiigga Maayga cawo iyo dharaarba qubaya, waa ninkii guutadii xiligii Xasan Shiikh Filladu joogay tababarka loogu soo xiray xerada Calisalaamay Baydhabo horintii ugu horaysay la soo qaaday la keenay Awdheegle intay taagtaag iyo cunsuriyad xun dareemeen ka soo tagay goobtii la geeyay Baydhabo ku socdeen Daafeet markii ay marayeen uu ku tilmaamay ciidankaasi inay Shabab yihiin si loo laayo walaalihiisa dabaqoodhinimo aawgii meesha uu ka gaaray, oo suugag iyo shilkayaal afarta koono into lagaga soo taagayo hareereeyay, deetana la yiri “hadday Maay ku hadlaan waa Shabaab, istaaga, qoryaha qasnadaha ka gooya, hubkana dhiga,” diiddadii ay diideen wiilashii beerka adkaa Maayga birjeexa, rasaasta hubka lidka dayuuradaha afkiisu ka dhacayso lagu shannaqay, oo ay 70 wiil beerka u seexsheen, wixii ka fakadayna xabsi la dhigay nolol iyo geeri meel aan lagu sheegin ilaa iyo hadda, arintaaso ay marqaanti kuugu filan tahay rasaastii wiilashaasi milatariga ahaa lagu riday in aaraheedu ka muuqanayso darbiyada saladhiga bilayska Wanlawayn iyo naxaawigiisa daaraha ka agdhow.
Mudka iyo runtaa lagu dhuftaa maaddadii murugtaa, madhaafaanku waa inuu nooluhu kugu maqsuudaa Amar Alle laakiin!!
By. Ustad Adam Increase
Ustad Adam inta aad sheegtey dhamaan waa run sidee looga bixi karaa?saraakiishaan intaas xaqiraad iyo yas lagu sameeyey iyagoo jooga dhulkooda maxay dhiigooda ugu huri la’yihiin dhulkooda iyo shacbigooda?adigase diyaar ma utahay in dhibkaan wax laga qabto?
Comments are closed.