Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaliya Axmed Ciise Cawad ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyay kulan ay dalka Saudi Arabia kula yeesheen wafdigii ka socday Somaliland uu horkacayay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Wasiir Cawad ayaa sheegey in asaga iyo madaxweynaha somaliland ay wada degenaayeen hal qasri kadibna ay isku arkeen meel masjid ah halkaasi oo ay isku salaameen kadibna dhowr jeer oo kale is arkeen is aragyadaas oo dhamaantood ahaa mid salaan.
Wasiir Cawad ayaan meesha ka saarin kulankii dhaxmaray labada dhinac n uu noqon karo mid jawiga siyaasadda wax ka badali kara, madaama maalmihii ugu danbeeyay hawada leysku marinayay hadalo siyaasadeed oo aan wanaagsaneyn.
Kulanka wafdiga labada dhinac ayaa u muuqday mid dood adag oo siyaasadeed abuuray, iyadoo xisbiyada mucaaradka Somaliland oo dhankooda ka hadlay sheegeen in wafdiga uu horkacayay madaxweyne Biixi looga fadhiyo jawaabta kulankaa.