Axmed Madoobe oo Maanta magalada Kismaanyo Kulan Kula Qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay iyo Igad

0
113

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa magaalada Kismaayo kulan kula qaatay wafdi ka socday beesha Caalamka oo uu hoggaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan waxaa kale oo wafdiga kamid ahaa xubno kasocday IGAD, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale.

Kulankan waxaa looga wada-hadlay hannaanka ay u socoto doorashada Jubbaland iyo sidii ay u noqon laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, lagana fogaado waxkasta oo keenaya fawdo iyo amni darro.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa Jubbaland ka codsadey in fursad la siiyo musharraxiinta mucaaradka si ay isu diiwaangeliyaan ugana qeybgalaan doorashada iyo in wax ka badal lagu sameeyo shuruuda lagu xirey musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynenimo ee Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa xubnahan ka socday Beesha Caalamka u sheegay inuusan asagu sharciyad u laheyn wax ka badalka jadwalka doorashada guddiga xuduuddaha iyo doorashooyinkana ay howshaa tahay shaqadooda.

Ugu danbayntii waxaa la isku raacay in gudiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland laga sugo jawaabta kama danbaysa ah ee la xiriirta hannaanka Doorashooyinka Jubbaland.