
Wararka inaga soo gaaraya Degaanka Daynuunay ee Gobolka Bay ayaa sheegaya Dagaalyahano ka tirsan Shabaab in ay dagaal culus kusoo qaadeen saldhig Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Degaankaasi.
Dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday, ayaa yimid markii ay Shabaabku laba jiho ka soo weerareen saldhiga, ay Ciidamada Dowladdu ku leeyihiin Daynuunay.
Dagaalkan u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda Federaalka iyo Shabaab ayaa bilowday Saakay, sida ay sheegeen Dadka Degaanka.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa xaqiijiyay dagaalka, waxaana ay sheegeen in hadda u socdo dagaal xooggan oo ay kula jiraan Al-Shabaabkii soo weeraray.