Maamulka Jubaland oo Doortey Gudoomiyaha Baarlamaanka

0
76

Waxaa goor dhaw la soo gabagabeeyay wajigii hore doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Labaad ee maamul gobolleedka Jubbalad oo ay ku tartamayeen labo musharax.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa ku tartamay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Xuseen Shiinow Cali waxaana ku guuleystay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan (Sheekh Cabdi ), Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa helay 55 Cod halka Xuseen Shiinow Cali uu helay 18 Cod.

Giddoomiyaha cusub ee dib loo doortay ayaa horay u soo noqday guddoomiyihii Baarlamaankii Koowaad ee Jubbaland.

Waxaa hadda soconeysa codeynta ku-xigeennada guddoonka Baarlamaanka, iyadoo maanta guud ahaan la soo dhameystirayo dhismaha Baarlamaanka labaad ee maamul gobolleedka Jubbaland.