Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab xalay ku dhexmaray deegaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Ururka Al-Shabaab ay weerareen Saldhig ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya gaar ahaan kuwa DANAB ay ku leeyihiin dulleedka deegaanka Bariire halkaas oo dhowr bilood ka hor ay ciidanka dowladda la wareegeen.
Taliyaha Ciidamada Lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka Al-Shabaab ku soo qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda, isla markaana ay uga dileen in ka badan 20 dagaal yahan.
Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab,waxaana wararka aan saakay soo baxaya sheegayaan in ciidamada Dowladda ay duleedka Bariirre ka wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan.