Madaxweynihii maamul goboleedka Jubaland ee waqtiga xilheyntiisa ay dhamaatay oo Maanta jeedinayay khudbadiida mushaarxnimo ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin Amniga, Caafimaadka & Arrimaha Bulshada.
Isaga oo ka hadlayay dhinaca Amniga ayuu sheegay in intii uu xilka hayay uu dhisay ciidao cudud leh oo xoogan, kuwaas oo la dagaalami kara ururka Al-Shabaab, iyada oo aan cidna ka caawin.
Madaxweyaha waqtiga xilheyntiisa ay dhamaatay ee Jubaland ahna musharax Madaxweyne ayaa xilligaan ka mid ah musharixiinta ugu cad cad doorashada Jubbaland, iyada oo xilkaasi ay kula tartami doonaan Saddex musharax oo midi haweeneey tahay.
Balanqaadyadan uu sameynayo Axmed Madoobe ayaan ahayn kuwo ku cusub dhegaha xildhibaanada maamulka jubaland, sida aynu la socono Axmed Madoobe waxaa uu tala maamulka JUbaland hayaa mudo 6 sano ah