Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa markii saddexaad noqonaya madaxweynaha maamul gobolleedka Jubbaland Afarta sano ee soo socta isaga oo ku guuleystay doorasho dhawaan ku soo gabagaboowday magaalada Kismaayo.
Axmed Madoobe ayaa wareegii hore ee doorashada helay tirada codadkii loo baahnaa isaga oo helay (56 cod) — halka musharixii ku soo xigay Canab Maxamed Daahir heshay (17 cod) musharaxa saddexaad Maxamuud Maxamed Cumar ayaa isagana helay (1 cod) taasoo ka dhigay in dhamaan 74 -ta xildhibaan ee baarlamaanku ka kooban yahay ay codkooda wada dhiibteen iyadoo aysan jirin wax cod ah oo xumaaday.
Doorashada kaddib madaxweyne Axmed Madoobe ayaa loo dhaariyay xilkan afarta sano ee nagu soo foolka leh.
Ka qeybgalayaashii doorashada iyo xildhibaannadii codadka dhiibay ayaa durbaba sacab iyo sawax ku soo dhaweeyay natiijada xili wali lagu guda-jiray tirinta codadka kaddib markii ay xaqiiqsadeen in uu gaaray tiradii looga baahnaa in uu ku soo baxo.
Beesha caalamka iyo dowladda federaalka ayaa siweyn uga horyimid doorashada iyo hannaanka loo maamulay , iyaga oo sheegay in aysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo ka soo baxda