Shirkadda Diyaaradaha ee Air Uganda ayaa Maanta duulimaad toos ah ka billowday Soomaaliya gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.
Xaflad lagu daahfuray duulimaadka ay Diyaaradda Uganda Airlines ka sameyn doonto Magaalooyinka Muqdisho iyo Kampala ayaa Saaka lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airport.
Daah furka waxaa ka qayb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiiru Dowlaha Arrimaha dibadda XFS Cabdulqaadir Axmed Kheyr, Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare, Cabdullaahi Goodax Barre iyo qaar ka mid ah Safiirrada Beesha Caalamka ka jooga Soomaaliya..
horay ayay 2013 kii Uganda Airlines duulimaaadka uga billowday Muqdisho, waxaana uu hakad ku yimid safarradii ay Soomaaliya ku iman jirtay Air Uganda arrimo dhaqaale awgood, iyadoo ay haatan joogtayn doonto shirkadda Air Uganda duullimaadyadeeda Muqdisho.