Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa xaflad si heer sare loo agaasimay oo ka dhacday xarunta aqalka D/Hoose, si rasmiya xilka uga la wareegay Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Ibraahim Cumar Mahad-Alle.
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa ugu horreyn u mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda sida uu ugu aaminay masuuliyadda culus iyo kalsoonida uu siiyey, wuxuuna sheegay in isbadel dhinacyo badan leh uu maamulkiisu ka sameyn doono Caasimadda.
Duqa cusub ayaa ballan qaaday in uu xoogga saarayo ka shaqaynta iyo xoojinta arrimaha mudnaanta leh ee ay ugu horrayso sugidda amniga Caasimadda Muqdisho, caddaaladda iyo weliba la imaansho qorshe amni oo gobol, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha amniga qaranka
Sidoo kale ayuu tilmaamay in jidadka xiran la furi doono, si isku socodka dadka iyo gaadiidka Caasimaddu u sahlanaato, isla markaana inta uu xilka hayo aan muwaadin Soomaaliyeed xaqiisa la duudsiin doonin.
Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ka socday hay’adaha dawladda, diblumaasiyiin, saraakiil ciidan, odayaal dhaqan, qaar kamid ah Guddoomiyeyaashii hore ee Muqdisho iyo qeybaha bulshada kala duwan ee ku nool Caasimadda.