MA REER HEBEL KALIYA AYAA BIXIYA CANSHUURTA DALKA?

0
195

Marka aan aragno fikir been ah ee umadda lagu jah-wareerinaayo tasoo ula jeedada ka dambeeysa ay tahay dano shaqsi iyo mid siyaadaseed, waxaa ku qasbanahay anagoo fulineeyna waajibaadka dalkeena iyo dadkeena naga saaran inaan runta u sheegno mushtamaceena dhibaateeysan.

Waxaan markasta maqalnaa kuwa isagu yeero siyaasiyiin oo dadka ku beer laxaw’sada canshuurta dalka reerkiina kaliya ayaa laga qaadaa, taasi ma dhab baa?

Mida ugu horeeysa waa inaan isla fahanaa, dalka ma jiri karo inuu ku noolaado mucaawino dowlado kale, dalka waa inuu yeeshaa awood iyo sharci uu ku qaadi karo canshuur. Canshuurta dalka waa in lagu kabo mushaarka wiilka askariga ah ee dalka difaacaaya iyo qalabeentiisa, sidoo kale waa in canshuurta lagu kabaa dhanka wax barashadda iyo caafimaadka iyo daryeelka guud ee dalka iyo dadkiisa.

Dowlada hada jirtaa waxay inta bada dhaqaalaha ka heshaa dowladaha waaweyn sida Midowga Yurub, Mareeykanka, dowladda kale ee aduunka, Jamacadda Arabta iyo Qaramadda Midoobay, Waxaan kaloo og nahay In ciidamadda Amison ay ku baxaan balaayiin doolar oo ka yimaado dowladahaas si dalkaan loo badbaadiyo, marka soow qasab naguma aha inaan inaan qayb ka noqono badbaadinta dalka hadaan nahay shacabka Soomaaliyeed Dibad iyo gudahaba?

Dekadda muqdisho:

Dowlada Soomaaliya isha kaliya ee canshuurta uga soo xarooto waa dekada Xamar, sida aan ognahay dhismahii dekada Xamar waxaa lagu dhisay hantida dadka Soomaaliyeed iyo xoogaa caawinaad caalami ah, taas Waxaan ka wadaa lacagta lagu dhisay ma ahayn mid qabiil gaar ah laga soo aruiriyay.

Hadaba Dekadaan yaa wax kala soo dega oo canshuurta bixiya?

Dekada Muqadishu waxaa wax kala soo dega gobolada koonfureed oo dhan, sida Shabeelaha Hoose, Bay, Bakool Gedo, Jubada Dhexe, Shabeelaha dhexe, hiiraan iyo meelo kaloo badan, hadaad eegto tirada koobka UN ayka sameeysay Waxaan ku qoyaasi lahaa ilaa 7 milyan oo Soomaali ah. 7 milyan ee Soomaaliyeed waxay wax kala soo degaan degadda Xamar, taasi waxay kaloo cadayn u tahay inaysan run ahayn waxa ayku doodayaan, taasi miyaan la oran karin canshuurta ugu badam waxaa bixiya gobolada Koonfur oo dhan.

Xamar waxaa lagu qiyaasaa tirada dadka degan 2 milyan, hadaba su’aasha u baahan jawaabta waxay tahay dadka Xamar degan ee 2 milyan ma hal qays baa? Ganacsata ma Hal qoys baa? Tani markale waxay ku tuseeysaa in shacabka oo dhan ay bixiyaan canshuurta.

Arimahaan oo dhan waxay ka marqaati kacayaan in kuwa suit-ka maran sitaa oo iskugu yeero siyaasiyiin inay ka been sheegayaan ama aysan aqoonba u lahyn waxa ayka hadlayaan ama ay been sheegay aan.

Waxaan kula talinayaa in shacabka Soomaaliyeed inay bixiyaan canshuurta meelkaasta oo ayku nool yihiin si lagacagtaasi loogu qabto howlaha dalka u baahan yahay, sidoo kale waa inay dowlada lacagtaas si qaldan aysan u isticmaalin oo meesha mudan lagu bixiyo.

Qore Sheikh Nuur Abukar