Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Sheegay In Kenya Ay Ku Fikireyso Inay Ka Baxdo Dacwada Bada

0
79

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dowladda Kenya qarka u saaran tahay in ay ka baxdo Kiiska Badda ee hadda hor yaala maxkamada Cadaallada ICJ.

Hadalka xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa imanaya xili dowladda Kenya ay dalabatay in dib loo dhiggo Kiiska dhageysiga wajigga labaad ee Kiiska dacwada Badda ee hor yaala maxkamada taa oo la qorsheynayo in dib loo furo 09.9. 2019 oo ku beegan Isniinta toddobaadka danbe.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka xun tahay islamarkaana tahay wax aan cudur-daar loo heli karin codsiga ka yimid Kneya ee ah in dib loo dhigo dhagaysiga dacwadda muranka Badda.