Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.
Ra”iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan wasiiro iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo mas’uuliyiinta maamul goboleedka Koonfur Galbeed, maamulada gobolka, kan degmada Baydhabo, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Inta uu joogoi wuxuu la kulmi doonaa madaxda Koonfur Galbeed iyo bulshada deegaanadaa,iyadoo magaalada laga dareemayo soo dhaweynta wafdiga ra’iisul wasaaraha.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaai maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa deegaanno ka san Galmdug, gaar ahaan deegmada Dhuusa-Mareeb isaga oo halkaa ka furay shirka dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug.