
War murtiyeed ka kooban saddex bog ayaa laga soo saaray shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.
Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa waxaa xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb iyadoo uu munaasabadii xiritaanka shirkana uu ka qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.


