
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka bilowday gobolka Bakool.
War qoraal oo ka soo baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay inay soo dhoweyneyso abaabul kasta oo ka dhanka ah Al-Shabaab
Sidoo kale dowladda ayaa ugu baaqday guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan dagaalka adag ee lagula jiro kooxdaasi.
