Wararka inaga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiran ayaa sheegaya in ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM in ay isaga bexeen saldhigyo ay ka deganaayeen degmada.
Mid ka mid ah masuuliyiinta amniga oo lagu magacaabo Mire Xusseen Siyaad ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dhamaan saldhigyadii ay baneeyeen Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay la wareegeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Saraakiisha Amaanka degmada Jalalaqsi ayaa intaa ku daray in ilaa iyo hadda aysan ogeyn sababta Ciidamada Jabuuti ay u baneeyeen Saldhigyadoodii degmada Jalalaqsi,
Goobaha ay banneeyeen ayaa la sheegay in ay ka mid yihiin Buuntada kala qeybisa degmada iyo Saldhigyo kale, waxaana goobahaa hadda ku sugan ciidamada Amaanka ee dowladda Soomaaliya.