Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maamul Goboleedyada ka jira dalka iyo Gobolkan Banaadir waxaa ay u fasaxday lacag ka mid ah deeqaha Caalamka oo uu ku deeqay Soomaaliya gaar ahaan Midowga Yurub taas oo gaareysa lix milyan oo dollar.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyay in lacagtaan ay tahay deeqaha Caalamka ugu talo galay Soomaaliya,isla markaana maamul walba loo dirayo min Hal Milyan oo dollar.
Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir laga doonayo in lacagtaan Halka Milyan ah ay inta ugu badan ama laba meelood ay u isticmaalaan dhinaca Amniga iyo Arrimaha Bulshada inta soo hartana Go’aankeeda ay iyaga leeyihiin.