Dowlada Dhexe oo Sheegtey In La Joojiyey Duulimaadyadii Tegi Jirey Magalada Kismaanyo

0
58

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goor dhow ku dhawaaqday in muddo saddex maalin ah la joojiyey dhammaan duulimaadyadii tagi jiray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Maamulka hay’adda duulista hawada Soomaaliya ayaa shaaciyey in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 23-ka September, illaa 26-ka bishan la hakiyey dhammaan diyaaradaha tegaya ama ka imaanaya magaaladaasi.

Sidoo kale hay’adda ayaa go’aankan ku war gelisay shirkadaha duulimaadyada dalka, gaar ahaan kuwa isticmaala garoonka magaalada Kismaayo.

Arrintan ayaa waxa ay dowladdu kaga gol leedahay, sidii ay u baajijn laheyd mas’uuliyiinta ka qeyb galaya xafladda caleema saarka ee Axmed Madoobe.

Dowladda dhexe ayaa gabi ahaan ka hortimid doorashadii dib loogu doortay Madaxweynaha Jubbaland, taas oo dhowaan ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkaasi.