Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta maanta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa si weyn u weeraray madaxda ugu sareysa dalka oo sida uu hadalka u dhiggay isku arka kuwo sharciga ka sarreeya.
Shirka jaraa’id ee Shariif Sheekh Axmed oo isha loogu wada hayay ayuu ku soo hadal qaaday ishortaagii maalintii shalay lagu sameeyay xili uu qorshihiisu ahaa in uu u dhoofo magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u maamulka Jubbaland isaga oo tallaabadaa ku tilmaamay mid sharciga baalmaran.
”Haddii uu Farmaajo sharciga u ogolaanayo in uu Garoonka ka dhoofo, Annigana sharciga ayaa ii ogolaanaya, Kismaayo sabab kasta ayaa u tagi karaan, laakiin waxa Anniga igu dhacay waa wax fudud oo aan ka tagi karo, wax ka weyn ayaa haleysan,waxaan arkaa dowladnimada Soomaaliyeed oo dhumeyso, si aysan taasi u dhicin dadka Soomaaliyeed iyo cid walba wax galka ah waxaa qabaa in loo istaago sidii qarankan loo badbaadin lahaa”
Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in madaxweyne Xassan Sheekh isaga oo heysata awooddii dowladnimada aqbalay in doorashada looga guuleystay kuna wareejiyay xilka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sababta uu sidaa u sameyayna tahay in uu waqtigaa ilaalinayay sharciga Dastuurka dalka oo madaxweyne kasta u ogolaanaya in uu xukunka hayo muddo 4 Sano ah.
Wuxuu sheegay in dowladdo rabto oo kaliya in ay maquuniso dowlad gobolleedyada dalka ka dhisan, isaga tusaale u soo qaatay in uusan jirin maamul gobollleed u madax-bannaan doorashooyinkiisa iyo Is-maamulkiisa hoose oo ay dowladdu xiriir la leedahay.
Wuxuu sheegay in madaxda ugu sareysa dalka haddii ay baalmaraan sharciga iyo dastuurka dalka u yaala meesha ka bixi doonto dowladnimada aynu maanta heyso.