
Maamulka xukuumada federaalka ay u magacawday Koonfur Galbeed soomaaliya ayaa magalada baydhabo ka bilaabay qorsho lagu caburinaayo shacabka koonfur galbeed kaasoo ay ku mamnuucayaan dhamaan shiararka ka dhaca deeganada koonfur galbeed .
Maxamed Abuukar Cabdi oo ka tirsan maamulkaasi ayaa warbaahinta u sheegay in maamulka uusan marnaba ogolaan doonin in guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed lagu qabto shirarka siyaasadeed ee ka dhanka ah Dowladda Federaalka.