Al-Shabaab ayaa markale waxaa ay soo bandhigeen qaar ka mid ah ergadii dooratay xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo tegay deegaannada Shabaab, kadib markii Amar u yeeritaan ah uu uga yimid dhinaca Al-Shabaab.
Qeybtii Saddexaad ee Ergada soo dooratay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Al-Shabaab waxaa ay kusoo bandhigeen deegaanka Buullo fulaay ee gobolka Baay, kuwaas oo gaaraya ilaa 76 Ergo.
Al-Shabaab ayaa waxaa ay sheegen in ergooyinkan ay kamid yihiin kuwii doortay Xildhibaan Maxamed Cusmaan Jawaari oo mar soo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, hayeeshee khilaaf soo dhex-galay isaga iyo Xukuumadda Soomaaliya uu isku casilay.
Al-Shabaab ayaa horay waxaa ay deegaanno kala duwan kusoo bandhigeen ergooyin ay sheegeen inay ahaayeen kuwii doortay Baarlamaanka Soomaaliya.