Dhegeyso: Madaxweynihii Hore ee Somaliya oo Dhaliilay Beesha Calamka iyo Xukuumada

0
86

Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Muqdisho Warbaahinta kula hadlayay ayaa Eedeyn kulul waxaa uu u jeediyay Madaxda Dowladda Federaalka, wuxuu sidoo kale ka hadlay shirkii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ee lagu qabtay Muqdisho.

Waxaa uu sheegay Sheekh Shariif in aysan aheyn mid wanaagsan in Shir u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo ay ka maqan yihiin Maamul Goboleedyada la qabto,wuxuuna sheegay in marnaba aysan ka hareyn ka hadalka waxyaabaha ay ku qaldan tahay Dowladda Federaalka.