Kulankii madasha iskaashiga Soomaaliya iyo Deeq bixiyaasha oo labo maalin ka socday Muqdisho ayaa maanta la soo gabagabeeyay.
Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay dowladda Federaalka, saddex dowlad gobolleed iyo Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo deeq bixiyaasha.
Kasoo qeybgalayaasha waxay aad uga hadleen horumarkii la sameeyay tan iyo kulankii ugu dambeeyay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka ee dhacay bishii Luulyo 2018 oo la isku raacay in si wadajir ah loo qaado tallaabooyinka mudnaanta leh ee lagu abbaarayo caqabadaha harsan.
Saaxiibada Caalamka waxa ay qireen waxqabadka ay sameeyeen Soomaalidu, waxayna madaxda Soomaalida ku bogaadiyeen horumarkii weynaa ay ka sameeyeen dib u habeynta iyo kor u qaadista Maareynta Maaliyada Dowladda iyo kobcinta dakhliga canshuuraha, wada-tashigii laga sameeyay Qorshaha Horumarinta Qaranka, dib u habeyntii ballaarneyd ee laga sameeyay Amniga, guulihii laga gaaray howlgalladii dib u xureynta iyo xasilinta goobihii gacanta ugu jiray alshabaab, kor u qaadistii lagu sameeyay adeegyada bulshada iyo hormarkii laga gaaray dib u heshiisiinta meelaha qaarkood.
Sidaa soo kale, waxaa harsan dhowr caqabadood oo ay ka mid yihiin baahida loo qabo shaqa abuurka, kobcinta dhaqaalaha, sii wadidda dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, iyo u gurmashada dhibaatoyinka banii’aadam nimada, u diyaargarowga iyo u adkeysiga musiibooyinka, sameynta dhidhibada siyaasad loo dhanyahay, xoojinta ixitraamka xuquuqul insaanka, ka qeyb gelinta iyo matalaadda howeenka iyo beelaha laga tirada badanyahay.
Soomaaliya iyo saaxibadooda caalamka waxay isku raaceen hannaanka la xisaabtan loo wada dhan yahay oo lagu soo koobayo si wadajir ahna diiradda lagu saarayo meelaha mudnaanta u leh tallaabada la rabo in la qaado iyo dhaqaalaha lagu qabanayo si loo xaqiijiyo mudnaanta lafdhabarka u ah natiijooyinka loo baahan yahay in la gaaro ka hor Bisha Diseembar 2020.
Saaxiibada caalamku waxay hoos ka xariiqeen, marka laga reebo horumarka laga gaaray ahmiyado dhowr ah, in la xoojiyo wadashaqeynta dhanka siyaasadda ee Dowladda Federaalka iyo xubno ka mid Dowlad Goboleedyada.
Madaxda Soomaalidu waxa ay isku raacday ahmiyadda gaarka ah ay leedahay wadashaqeyntaas si horumar looga gaaro arrimaha siyaasadda, arrimaha amniga, dib u habeynta dhaqaalaha, iyo in ay arrimahaas u baahanyihiin ka go’naansho adag ee madaxda labada dhan ee dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.