Wakiilka xoghayaha guud ee Qarramada Midoobey James Swan oo khudbad ka jeedinayay maanta shirka Iskaashiga Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday khilaafka dowladda iyo qaar ka mid ah maamul gobolleedyada dalka.
James Swan ayaa ka sheegay in ay muhiim tahay in xal loo helo Siyaasadda loo dhanyahay,isla markaana loo diyaar garoobo wadahadalo ay yeeshaan Dowladda iyo dhinacyada kale.
Hadalka Mr James Swan ayaa imanaya xili shirka maalintii labaad galay ee ka soconaya Muqdisho ay ka maqan yihiin maamul gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland oo sheegay in si rasmi ah u sheegay in ay qaadaceen ka qeybgalka shirka.
Si kastaba arintu ha ahaatee qilaafka u dhexeeya xukuumada iyo maamul goboleedyada ka maqan kulanka ayaan aheyd mid si sahlan ku dhamaan doona maadaama dagaalkoda uu gaarey meel aad u xun