Xog: Wax Ka Ogow Qaabka Loo Iibsaday Qorista Ciidanka Boliiska Gobolka Shabelaha Hoose

0
171

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhawaan fartay maamullada dalka inay soo qoraan ciidamo Boolis ah si tababar loo siiyo isla markaana ula wareegaan Amniga guud gobolada iyo degmooyinka dalka si gaar ah goobaha laga xurooyo kooxda Al Shabaab.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa ka mid yahay gobolada haatan uu ka socdo howlgalka lagu sifeynaayo Shabaab kaasoo ku socda si xowli ah sidoo kalena qorista ciidan Booliiska ayaa ah mid ku saleysan heer Deegaan iyo heer gobol.

Gobolka shabelaha hoose ayaa loo qoondeeyey iney soo qoraan 418 ciidan oo booliis ah, Balse nasiib darro waxaa dhacday sida ay ogaatay Warbaahinta Daafeet Media in la musuqmaasuqay qorista ciidanka Booliiska oo beelo aan dhalan deegaanka la siiyay tiro aad uga badan halka qabaa’iladii u dhashay deegaan aan waxba la siin.

Talaabadan lagu musuqmaasuqay qorista ciidanka Booliiska ayaa waxaa ay u muuqataa in ay fulisay shabakad isku xiran isla markaana kasoo kala jeeda Mas’uuliyiinta heer gobol, Maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo Dowlada Fedraalka.

Xogta ay heshay warbaahinta Daafeet Media ayaa sheegeysa in guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose Ibraahin Adan Cali ( Najax ) iyo wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed Isaaq Cali Subag inay 130 askari ka iibsadeen qabaa’ilo aan u dhalan deegaanka si hadhow ay uga mid noqdaan ciidanka boliiska gobolka shabelaha hoose isla markaana ay u wataan howlaha amni daro ee ay gobolka ka wadaan. dhanka kale xog hoose ayaa sheegeysa in qaba’ilada qaarkood laga qaaday 400 oo doolar si ay liiskaasi uga mid noqdaan

Dadka reer Shabeellaha hoose ayay la yaab ku noqotay liiska lasoo saaray ee ciidammada la qoray taasoo caddeyn u ah sida dadka deggen gobolkaasi ay u dulman yihiin. Maadaama inta badan ciidamada la qoray ay yihiin kuwa kasoo jeedo deegaanno kale.

Sidoo kale shacabka gobolka Shabeellaha hoose iyo waxgaradkooda ayaa ku eedeeyay xildhibaannada kasoo jeeda gobolka Shabeellaha hoose inaysan waxba ka qaban musuqa iyo boobka ka socda gobolka, waxaase is weydiin mudan qaabka ay markale kusoo noqon doonaan maadaama ay baalmareen ujeedka loo doortay oo aheyd in ay ka warhayaan shacabka deegaan-doorashadooda.

Fiiro Gaar Ah

Qaba’ilada Korsaarka ah

Reer maaji

Dalacadiin

Gaadsan

Hadawed

Qubeys