
Ururka Caalamiga ah ee Muhaajiriinta Adduunka ayaa qaxooti Soomaali ah waxaa ay kasoo celiyeen dalka Yaman, kuwaas oo laga dejiyey Dekadda Magalada Xeebeedka Barbara ee deegaannada Soomaaliland.
Qaxootigaan oo tiro ahaan gaaraya ilaa 147 ruux ayaa waxaa ku jira 56 Caruur ah, waxaana Doon looga soo qaaday Dekadda Magalada Cadan ugu dambeyna laga dejiyay dekadda Magalada Berbera Soomaaliland.
Dadkaan qaxootiga Soomaalida ah ayaa waxaa saameyn ku yeeshay dagaalada ka socda dalka Yemen, iyada oo sidoo kale ay la soo deristay intey ku sugnaayeen dalka yemen xaalad Bani’aadanimo,taas oo keentay in Soomaaliya dib loogu soo celiyo.
Afhayeen u hadlay ururka Qaramada Midoobey ayaa sheegay in xilligaan aysan wanaagsaneyn in Soomaaliya lagu celiyo qaxooti amni-darro ka jirta aawgeed, hayeeshee dadka iskood u dalbada ay diyaar u yihiin inay caawiyaan.