Maamulka Jubaland oo Diyaar Garowgii Ugu Dambeeyey ugu Jira Caleemasaarka Madaxweynaha Mamulka Jubaland

0
47

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda ka deggaan Wafuud kale oo lagu waddo in ay qeyb-galaan munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Maalintii shalay waxaa ka degtay diyaarad magaalada Nairobi ka soo qaaday madaxweynayaashii hore ee maamul gobolleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xusseen Guulleed iyo sidoo kale xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Maamulka Jubbaland ayaa diyaar garoowgii ugu dambeeyay ugu jira qabsoomida munaasabada caleema saarka ee Axmed Madoobe, iyadoo la diyaariyay diyaarado lagu soo qaadayo wafuuda imaaneysa.

Lama oga in ay jirin doonaan wafuud ka taggi doonta magaalada Muqdisho, iyadoo horay dowladda Soomaaliya u mamnuucday in siyaasiyiintu u safraan magaalada Kismaaayo.