Xisbiga Himilo Qaran oo Dacwad Ka Gudbiyey Xukuumada Dhexe

0
145

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta shaaciyey inuu dacwad ka dhan ah laanta fulinta u gudbiyey Maxkamadda Sare dalka.

Senator Ilyaas Cali Xasan oo ka mid ah golaha aqalka sare, sidoo kalena ah xoghayaha warfaafinta xisbiga Himilo Qaran oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dacwaddaasi ay la xariirto xayiraadii dhowaan la saaray Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay doonayaan in lagu kala boxo cadaaladda, si xal looga gaaro khilaafka ka dhashay kiiskaasi.

Waxa kale uu ku eedeeyey dowladda dhexe in si aan sharciga waafaqsaneyn ay ula dhaqantay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

22-kii bishii hore ayey aheyd markii dowladda federaalka ay is hortaag ku sameysay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, xilli uu ku sii jeeday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.