
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtey in ay ruqsadii duulimaadyada dalka kala laabatay shirkadda duulimaadyada Jubba Airways oo lagu eedeeyay in shatigeeda ay ku duulaysay diyaaraddi sabtidii ka degtay magaalada Kismaayo.
Diyaaradda Fokker 50, oo lambarka diiwaankeedu yahay 5Y-JXJ, kana diiwaan gashan dalka Kenya, ayaa sida la sheegay ku duuleysay shati ay leedahay shirkadda Jubba Airways oo ka mid ah shirkadaha duulimaadyada dalka.
Diyaaradaas ayaa jabisay xayiraadii ay dowladda federaalka ku soo rogtay bishii hore magaalada Kismaayo, taas oo ahayd in diyaaraddi tagaysa ama ka duulaysa magaaladaas ay waajib ku tahay in ay soo marto magaalada Muqdisho.
Arrintan ayaa imaneysa ayada oo sidoo kale, dowladda Soomaaliya ay hay’adda duulimaadyada rayidka ah ee QM ee ICAO u gudbisay dacwad ka dhan ah dowladda Kenya kadib markii diyaarad kasoo duushay Nairobi ay sabtidii ka degtay magaalada Kismaayo.