Gudiga Doorashooyinka oo Kulamo Gooni Gooni ah La Yeelanaya Xildhibanada iyo Odayasha Dhaqanka

0
70

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa kulan xarrunta Villa Hargeysa waxa ay kula yeesheen Xildhibaanadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee kasoo jeedo Goboladda Waqooyi ee Soomaaliya.

Ujeedka kulanka uu guddiga la yeeshay xildhibaanadda iyo Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeedo goboladda Waqooyi ee soomaaliya ayaa ahaa sidii ay aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka ay ugu soo bandhigi lahaayeen guddiga.

Xildhibaanadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee kasoo jeedo Gobolada waqooyi ayaa guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka usoo bandhigay talooyinkooda iyo aragtiyadooda ku wajahan Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Tan iyo markii la magacaabay guddigaan waxa uu waday kulama uu la yeelanaayo qeybaha kala duwan ee bulshada si ay ula wadaagaan aragtiyadooda la xariira sharciga dooorashooyinka Qaranka.