
Madaxweyne kuxigeenka Maamul goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in cadaadiska faraha badan oo Dowladda Soomaaliya ku heyso Maamulka Jubbaland ay ka dhalan karto kacdoon Bulsho.
Waxaa uu sheegay in cid alaala cidii wax ka tabaneysa madaxda Jubbaland ay ka dacwoodaan hay’adaha garsoorka Jubbaland,isla markaana Madaxda Dowladda looga baahan yahay inay xuriyadiisa siiyaan Wasiirka inta aysan cawaaqib-xumo ka dhalan.