
Roobka Deyrta ee saacadihii la soo dhaafay ka da’ay Magalada Muqdisho ayaa waxa uu sababay in wadooyin badan oo ku yaalla Magalada Muqdisho inay xirmaan,isla markaana aan la mari karin.
Wadooyinka xirmay ayaa waxaa kamid ah, Wadada Siisii ee aada dhinaca Isgoyska Sanca, Wadada Maanabooliyo ee aada dhinaca isgoyska Afarta Darjiino, Wadada Boondheere ee isku xirta Isgoysyada Boondheere iyo Siinaay Wadada Ceel-Qaloow ee degmada Wadajir iyo kuwa kale.
Wadooyinkaas aan soo sheegnay ayaa waxaa xilligaan Buux dhaafiyey Biyo fara badan oo uu dhigay roobkii saacadihii la soo dhaafay ka da’ay Magaalada Muqdisho,waxaana wadooyinkaas intooda badan ka go’ay inay gaadiidka maraan.
Dadka ku dhaqan magaalada muqdisho oo horey uga caban jirey wadooyinka ay xertaan ciidanka dowlada ayaa culeys kale oo uu roobka keenay ugu soo kordhay taasoo keentay in ay baabuurtii biyaha badan ee uu roobka keenay ey dhex mari waayaan.