Diyaarad Lugaha u Furmi Waayeen oo Kusoo Degtay Garoonka Magalada Muqdisho

0
89

Hawlaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa la sheegay inay caadi kusoo noqonayaan kadib markii goor hore ay diyaarad ku degtay candhada dhabbaha diyaaradaha ee garoonka Aadan Cadde.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay aheyd nooca Xamuulka qaado, mana jirto wax rakaab ah oo saarnaa sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo ku sugan Garoonka.

Ilaa hadda ma cadda sababta keentay inay diyaaraddan ay taayarradu u bixi waayaan. Diyaaradda ayaa xammuul gaysay magaalada Diinsoor, waxaana la sheegay inay dib ugu soo laabanaysay magaalada Muqdisho.