Dowlada Kenya oo Jawaab Ka Bixisay Dacwadii Ay Somaliya u Gudbisay Hay’ada Maamulka Hawada

0
70

Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa jawaab adag ka bixiyey dacwad ay dhowaan Soomaaliya u gudbisay hay’adda maamulka hawada ICAO ee Qaramada Midoobay.

Sarkaakiishan oo la hadlay wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in aysan wax shaqo ah ku laheyn diyaaraddii siday Madaxweyneyaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed ee dhowaan ka degtay garoonka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen in Kenya ay u hoggaamsameyso xeerarka caalami ah, islamarkaan aysan marnaba ku xadgubeyn hawada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan xayiraad saartay Kismaayo, balse waxaa jabisay diyaarad ka timid Nairobi, taas oo ay dowladdu ku dacweysay hay’adda hawada ICAO, si wax looga weydiiyo dalka ay ka timid oo ah Kenya.