
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhigan ayaa dul-istaagay muhiimadda sharciyada uu meel mariyey muddadii la soo dhaafay, kuwaas oo gundhig u ah aas-aasidda qarannimo Soomaaliyeed oo taabba-gal ah, sharciyadaas waxaa ka mid ah, Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa, Sharciga Isgaarsiinta Dalka iyo Sharciga Dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in Golaha Shacabka looga baahan yahay in ay dardar geliyaan ansixinta hindise-sharciyeedyada kale ee wali horyaalla Labada Aqal, kuwaas oo ay ka mid yihiin Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka iyo dib-u- eegista Sharciga Xisbiyada Siyaasadeed oo muhiim u ah geedi-socodka dimuqraadiyadeynta dalka.
Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey guulaha siyaasadeed, amni, dhaqaale, Dib u heshiisiinta iyo horumarineed ee ay ku tallaabsatay Dowladdu muddadii la soo dhaafay,isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay in dib loo soo celiyo sharaftii iyo haybaddii Ummadda Soomaaliyeed ay ku lahayd Adduunka.
Madaxweynaha jamhuuriyadda ayaa adkeeyay difaacidda midnimada, madaxbannaanida iyo ilaalinta xuduudaha dhulka, badda iyo cirka Soomaaliya, isaga oo xusay in xiriirka Dowladda Soomaaliya ay la leedahay waddamada darisku uu ku dhisan yahay is-ixtiraam, wax wadaqabsi iyo iskaashi.