Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo Gaaray Magalada Kismaanyo

0
118

Daqiiqado ka hor waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo caga-dhigatay diyaarad ay la socdeen wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo toos uga soo anbabaxay magaalada Garoowe.

Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa ku soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]

Wafdiga madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu wadaa in ay ka qeybgalaan munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la filaayo iney dhacdo maalmaha soo socda

Saacadaha soo socda ayaa sidoo kale la filayaa in ay Kismaayo tagaan wafdi ku biiraya wafuudda halkaa u joogta ka qeybgalka munaasabadda caleemo saarka.