Dhowr Madaafiic oo Maanta Lagu Garaacay Xerada Xalane

0
57

War dheeri ah ayaa kasoo baxaya madaafiic dhaliyey khasaare nafeed oo maanta lagu weeraray xarunta Xalane ee Muqdisho ay ka degan yihiin ururada iyo hay’adaha shisheeye.

Wararka aan ka helnay ilo-wareedyo amni oo ku sugan gudaha xarunta Xalane, ayaa sheegaya in qaar ka mid ah madaafiicda ay ku dhaceen isbitalka ciidamada Amisom ee ku yaalla gudaha xarunta Xalane.

Madaafiicda ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo ahaa Soomaali ahaa, oo isbitalka u doontay adeeg caafimaad, waxaana ku dhaawacmay 6 qof oo kale. Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira askar ka tirsan ciidamada Amisom.

Ma aha markii ugu horeysay oo weerar noocan oo kale ah lagu qaado xarunta Xalane balse qasaaraha weerarka maanta uu geystey ayaad moodaa inuu ka duwan yahay qasaarihii ay geysteen weeraradii hore.