Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo Xukumada Ugu Baaqay Wadahadal

0
49

Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa khudbadiii uu ka jeediyay munaasabaaddii caleema-saarka waxaa uu ku shaaciyey in maamul goboleedka Jubbaland ay diyaar u tahay wada shaqaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya si meesha looga saaro khilaafaadka muddooyinkaan ka dhex jiray labada dhinac.

Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in Dowladda Federaalka oo metesha guud ahaan dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka shaqayso dib u heshiisiinta umudda Soomaaliyeed iyo xal ka gaarista khilaafaadka kala dhexeeya maamul goboleedyada dalka ka jira sida Jubbaland.

Wuxuu madaxada Dowladda Federaalka cod dheer ugu sheegay in ay Jubbaland diyaar u tahay wada-hadal miradhalkiisu noqdo xallinta khilaafaadka iyo ka wada shaqaynta wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Si kastaba arintu ha ahaatee hadalkla Axmed Madoobe ayaa u muuqda mid uu xal ugu raadinaayo qilaafka soo kala dhex galay asaga iyo xukuumada dhexe balse waxaa wax la is weydiyo ah xukuumada diyaar ma u tahay iney aqbasho xalka uu Axmed Madoobe ku baaqayo