Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya oo Cambaareeye Weerarkii Xalane

0
50

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, wuxuu cambaareeyay Hoobiyeyaashii maanta lagu qaaday xarumaha Qaramada Midoobay iyo AMISOM ee ku yaal caasimadda Soomaaliya gaar ahaan Xalane

“Waxaan aad ula yaabay ficilkan argagaxa leh ee argaggixisannimada ee lagula kacay shaqaalaheenna, kuwaasoo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeeya arrimaha samafalka, dhismaha nabadda, iyo arrimaha horumarinta. Nasiib wanaagse, inbadan oo shaqaalaheenna ah ayaan wax cabsi ah laga qabin. Waxaan u rajeynayaa asxaabteena dhaawacmay inay si buuxda uga soo kabsadaan dhaawacyadooda, ”ayuu yiri Mr. Swan.

Inta la xaqiijiyay Todobo Qof oo Sadex kamid ah ay yihiin Askarta Ciidamada Amisom Laba kalana ay ahaayeen Shaqaale ka shaqeynayay Dhismaha iyo Hal Qof oo kamid ah Shaqalaha Beesha Caalamka ayaa ku dhaawacmay Hoobiyeyaasha.

Xarunta Ciidanka AMISOM ee Xalane ayaa ah goob ay degan yihiin xubnaha beesha Caalamka, waxaana sidaan oo kale dhowr jeer lagu qaaday weeraro Khasaare geystay.